Xurmo Community Radio
Messi Oo Lagu Waramayo In Uu Soo xaadiri Doono Kulanka Qarankiisa LaYeelanaayan Ecuador .
  messi Qeybta caafimaadka ee qaranka Argentina ayaa shaaciyay in xiddiga qaranka ee Messi uu......messi Qeybta caafimaadka ee qaranka Argentina ayaa shaaciyay in xiddiga qaranka ee Messi uu diyaar ahaanayo caafimaad ahaan ka qeyb galka kulanka qarankiisa la leeyihiin Ecuador ee qeybta ka ah is reeb reebka Latin America ee koobka aduunka loogu soo baxayo sida wargeyska El Mundo Deportivo sheegayo.

Messi ayaa u safray Argentina si uu ugu biiro xerada tababarka qaranka inkastoo dhaawaca murqa lugta midig si wacan uga kabsan iyadoo kulankii Colmobia uu uga qeyb galay badel ahaan ka dib markii taqaatiirta xaqiijiyeen in jir ahaan diyaar uu yahay.

Weeraryahanka qaranka Argentina Gonzalo HiguaĆ­n ayaa kulankaas qaatay kaarka casaanka waxa uuna sidaas uga maqnaanayaa kulanka Ecuador , waxa uuna warkaan ah in Messi ciyaari karo uu farxad u yahay tababaraha qaranka dalkaas.