Xurmo Community Radio
Florentino Perez Oo Ku Jees Jeesay Iniesta iyo Xavi ” Haa Mourinho Kibirka Barcelona Ayuu Jibiyay”
 Madaxa kooxda Real Madrid Florentino Perez ayaa ku jees jeesay labada xiddig ee Barcelona Iniesta iyo Xavi kuwaasi oo dhawaan dhaleeceyn u jeediyay ...Madaxa kooxda Real Madrid Florentino Perez ayaa ku jees jeesay labada xiddig ee Barcelona Iniesta iyo Xavi kuwaasi oo dhawaan dhaleeceyn u jeediyay tababarihii hore ee Real ee Jose Mourinho .

Iniesta ayaa ku eedeeyay Jose Mourinho in uu ku ciyaaray sumcaddii kubadda cagta Spain halka Xavi Hernandez ku tilmaamay Mourinho in hab dhaqankiisa ciyaaraha uu xun yahay .

Wargeyska Marca ayaa Florentino Perez ka soo xigatay ” waan fahmayaa sababta ay Iniesta iyo Xavi uga careysan yihiin Mourinho maxaa yeelay 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee El Clasico ma aysan guuleysan, qofka marka uu dareemo guul darro waxa uu ku meereystaa dhaleceynta kooxda ka soo horjeeda , tanina ma aha istraatiijayad wanaagsan”.

Mar uu ka hadlayay Florentino Perez hadalkii Mourinho ee ahaa in uu dareemayo sharaf maadaama kibirkii Barcelona uu ka soo taqalusay ayuu mas`uulkaan yiri ” Waa run Jose waxa uu soo afjaray xukunkii Barcelona ee Spain”.

Dhanka arimaha Ronaldo iyo gareth Bale ayuu ka yiri ” hishiiska Gareth Bale waxaa la soo afjarayaa marka la magacaabo tababaraha Real Tottenham waa koox saaxib aynu nahay, Ronaldo-na waxa waxa uu dhawaan hishiiska u kordhinayaa kooxda”.