Xurmo Community Radio
Pep Guardiola Oo Maamulka Bayern Munich Kula Taliyay In Ay U Dhaqaaqaan Saxiixa Thomas Vermaelen .
 Wargeyska Bild ee ka soo baxa Jarmalka ayaa qoraya in tababaraha kooxda Bayern Munich ee Pep Guardiola uu weli doonayo in uu helo saxiixa xiddiga kooxda Arsenal ee...
Wargeyska Bild ee ka soo baxa Jarmalka ayaa qoraya in tababaraha kooxda Bayern Munich ee Pep Guardiola uu weli doonayo in uu helo saxiixa xiddiga kooxda Arsenal ee dhawanahaan kursiga badelka ku jira ee Thomas Vermaelen .

Pep ayaa u arka kabtanka Arsenal ee Thomas Vermaelen in uu awood u leeyahay in kooxda Bayern Munich ka caawiyo qadka daafaca isaga oo doonaya in saxiixiisa uu helo xagaagaan.

Sida wargeyskaas uu sheegayo laacibkaas Thomas Vermaelen ayaan farxad haatan ku dareemeyn Arsenal maadaama marti uu ku noqday kursiga badelka xilliyadii ugu dambeeyay , sidaas oo ay tahay waxa uu Thomas Vermaelen sheegay in Arsenal sii joogayo dagaalna uu u galayo in booskiisa kooxda uu soo ceshto.

Kaliya ma aha Thomas Vermaelen ciyaartooyda uu Pep Guardiola ka doonayo Arsenal sidoo kale waxa uu isha ku hayaa xiddiga kale ee Arsenal ee Laurent Koscielny kaasi oo dhawaan sheegay in kooxda uu ka tagayo haddii caqli koobab lagu qaado la imaan waayaan .