Xurmo Community Radio
David Villa Oo Sheegay in uusan wax Heshiis ah Lagaleynin Kooxaha Premier League.
 David Villa ayaa Sheegay In Uusan Kubiiraynin kooxaha Ingiriiska ee doonayay in ay xagaagaan helaan..saxiixiisa, isaga oo hakiyay wararka mustaqbalkiisa la xariiriyay kooxaha Arsenal iyo Tottenham .

Warbixin kooban oo uu jeediyay ka dib markii qarankiisa ay guul ka gaareen dhiggooda Ireland kulan ahaa mid saaxibtinimo oo ku dhaamaday 2-gool oo nadiif ayaa laacibkaan su`aal laga weydiiyay in uu xiiseynayo in uu u ciyaaro mid ka mid ah kooxaha Ingiriiska ayuu yirii isaga oo madaxa ruxaya ” Maya maya, waxaan sii joogayaa Spain”.

Waxaa wararka qaar ay u badinayaan in Villa xilli ciyaareedka dambe sii joogi doonin Camp Nou marka la eego sida laacibka uu u doonayo in uu helo ka qeybgal wanaagsan si fursadiisa koobka aduunka ee 2014-ka shaki uga galin.

Laacibkaan ayaa tan iyo markii uu furnaa suuqa kala wareegga xilli ciyaaredkii hore waxaa lala xariirinayay in kooxda Barcelona uu ka tagayo iyadoo gudaha Spain ay raadinayaan kooxda Atletico Madrid.

Waxa ayna wararka sheegayaan in Atletico Madrid ay laacibkas ku doonyaan aduun gaaraya 15-milyan oo euro si uu ugu buuxiyo booskii uu baneeyay Radamel Falcao kaasi oo dhanka kooxda Monaco ee Faransiiska ka aaday .