Xurmo Community Radio
Luis Suarez Oo Niyadda Ka Sii Jibiyay Taageerayaasha Liverpool Ka Dib Warxbintii Shalay
Weeraryahanka kooxda Liverpool Luis Suarez ayaa mar kale niyadda ka jibiyay taageerayaasha Liverpool maalintii..labaad ka dib markii shalay uu sheegay in uu jecel yahay in inta uu ciyaaraha ka fariisan ka garab ciyaaro Ronaldo isla markaana adag tahay in la diido in loo ciyaaro Real Madrid ayuu maantana sheegay laacibkaas in qoyskiisa ay deganaasho iyo farxad ku dareemeeyn magaalada Liverpool.

Waxa uu tilmaamay in weerarka dhawaanahaan uu kala kulmayo warbaahinta Ingiriiska ay ku qasabeyso in uu ka huleelo garoonka Anfield iyo waliba taageerada yar ee uu ka haysto kooxdaas oo aan ku taageerin dhibaatada u marayo ka dib qaniinyadii Ivanovic iyo dhacdadii ka horeeysay ee Evra .

Inkastoo Suarez uu horay u beeniyay wararka la xariirinayay Real Madrid balse markaan waxa uu qiray in ay adag tahay in uu baaqi ku sii ahaado Liverpool.

Wargeyska daily Star ayuu laacibkaan ka yiri ” taageero aan la rumeysan karin ayaan ka helay taageerayaasha kooxda dhacdadii Evra balse middaan qaniinyada Ivanovic ma aheyn taageeradooda mid sidaa u sii weyn , balse taasi ma saameyneyso jaceylkii aan Liverpool u qabay in aan u ciyaaro ee soo jiitamayay illaa yaraanteyda”.

” Waan awoodaa in arimahaas aan iloobo balse dhibka waxa uu yahay qoyskeyga oo aad u sheeganaya walina waa ay sheeganayaan taasina waa i dhibeysaa” ayuu sii raaciyay Suarez.

Luis ayaa si weyn waxaa la xusayaa in uu aad ugu dhaw yahay kooxda Real Madrid oo dhankooda xiiseynaya halka kooxda Bayern Munich-na ay doonayaan laacibkaasi .