Xurmo Community Radio
Xiddiga Brazil Iyo Barca Neymar: Ma Ahi Geesi Qaran.
 Weeraryahanka reer Brazil Neymar ayaa isku dayay inuu hoos u dhigo waxa.....ay ka filanayaan taageerayaasha dalkiisa koobka soo socda ee Confederations Cup, isagoo sheegay inuusan aheyn geesi qaran.

Weeraryahanka oo dhawaan si rasmi ah ugu biiray Barcelona ayaa dusha saaran doona mas’uuliyada wadankiisa marka koobka uu isbuucaan ka bilowdo Brasilia, laakiin 21 jirkaan ayaa aaminsan in doorka ugu muhimsan uu yahay inaad si aad ah u la shaqeyso saxiibadaada xulka.

“Miyaan ahay geesi qaran? Ma ahi qof lagu murmo. Kubada cagta ayaa ah inaad maalina ciyaareyso maalina aadan ciyaareynin” ayuu xiddiga reer Brazil u sheegay majalada GQ.

“Maalin kasta darbooyinkaada shabaqa ma cusjin kartid. Waan garanayaa doorkeyga waxa uu yahay, laakiin waxaan u ciyaaraa inaan kooxda caawiyo hadii ay ahaan laheyd inaan gacan ka geysto goolasha ama aan anigaba goolal dhaliyo.”

Neymar ayaa dhaliyay 20 gool 34 kulan uu xulka Brazil u saftay tan iyo kulankiisii ugu horeysay ee 2010, laakiin waxa uu dhinac iska dhigay cadaadiska la socda xirashada maaliyada xulka qaaday shanta jeer koobka adduunka.

“Waan u bartay cadaadiska. Tan iyo markii aan yaraa waxaa ku riyoon jiray inaan u ciyaaro xulka qaranka, haatana waan ku faraxsanahay inaan fursadaas helay.” ayuu hadalkiisa raaciyay.

“Laakiin waxaan doonayaa inaan hoosta ka xariiqo inaanan aheyn geesi lagu baxsado ama caddow hadii aysan wax walba hagaagin.

“Muxibada loo qabo kubada cagta ee Brazil dhexdeeda waa mid aan caadi aheyn. Waan ka warqabaa taas, sidaasi darteed ma hubo sida ay wax walba noqon doonaan.”

Brazil ayaa koobka Confederetions Cup ku furaneysa kulanka ay la ciyaarayaan Japan 15ka bishaan

Waxaa Diyaariyay Weriyaha Dhanka Sportsk Radio Xurmo

Khaalid Abdulkaadir Osmaan

Mogadishu-Somalia