Xurmo Community Radio
Macalin aad iyo aad u caqli badan oo ardey u sharaxaya macnaha nolosha: Xikmad
Macalin ayaa jiray wax ka dhigi jiray jaamacadaha Sacuudi Carabiya, waxaa macalinkani aqoontiisu aheyd mid ku taqasusay luuqada carabiga, ka sokoow aqoontiisa luuqadeed macalinkani waxa uu ku caan baxay xikmad iyo wax fahansiinta ardeyda.

Macalinkii ayaa maalin waxaa la keenay jaamacad ku cusub, si uu muxaadaro ugu jeediyo ardeyda, waxaa kulanka kasoo qeyb galay ardey aad u tiro badan oo xiiseynayay muxaadarada macalinkan, iyo sidoo kale wafti mas’uuliyiin ah oo jawiga kor kala socday.

Macalinkii ayaa bilaabay in uu ardeyda u khudbeeyo, waxa uuna ka hadlay faa’iidada ay leedahay wax barashada, kadib waxa uu ka hadlay luuqada carabiga in la barto oo lagu taqasuso in ay tahay wax aad u fiican oo faa’iido leh.

Markii uu intaas marayay ayaa ardeydii mid ka mid ahi soo booday waxa uuna yiri: Macalin luuqada carabigu aad bey u dhib badan tahay mana ahan maado si fiican loo baran karo..

Dhamaan ardeydii ayaa ku raacay ardeygaas fikirkiisa, waxa ayna dhamantood isku raaceen in aysan baran karin luuqada carabiga ah iyo naxwaheeda.

Macalinkii ayaa xoogaa aamusay, waxa uuna yiri: ok maanta muxaadaro ma jirto, taas bedelkeeda waxan sameyneynaa ciyaar.

Macalinkii ayaana sabuurada ku sawiray dhalo dhuuban oo afka u yar, dhexdana waxa uu uga sawiray digaag (dooro) waxa uuna ardeydii ku yiri: Kumaa awooda in uu digaagadan ka saaro dhalada isagoon dhalada jabin ama digaagada dilin.?

Dhamaan ardeydii ayaa isku day sameeyey, balse wey ku fashilmeen, waxaana soo booday ardeygii ugu danbeeyay waxa uuna yiri:

Macalin digaagda in la dilo, ama dhalada la jabiyo maahinesi kale laguma soo saari karo..

Macalinkii ayaa yiri: maya taasi ma socaneyso ee xal kale keena.

Isla ardeygii ayaa soo booday waxa uuna si kaftan ah u yiri: Hadaba macalin waxaad u yeertaa qofkii digaagada dhalada dhex geliyay si uu uga saaro.

Dhamaan ardeydii ayaa ku qoslay ardeygaas, ayagoo u heysta in uu yahay mid dabaal ah jawaabtiisa awgeed.

Balse macalinkii ayaa yiri: Saxiix saxiix, waa runtaa jawaabta ayaaba ah sida aad u sheegtay, waa in loo wacaa qofki digaagada geliyay dhalada si uu uga saaro, adinkuna ogaado sidaas oo kale ayaad tihiin..

Waxaad iska dhadhiciseen in aadan waxba baran karinina, si walboo aan idinkugu sharaxana faaiido ma yeelan doonto ilaa aad iska bixisaan digaagada aad madaxiina dhex geliseen ee qof aan adinka aheyni uusan ka bixin karin..

Ardeydii ayaa aad ula dhacay xikmada macalinka, wixi intaas ka danbeeyay ayeyna bilaabeen in ay xiiseeyaan barashada luuqada carabiga ayagoo u arka in ay tahay maado sahal ah, sidoo kalena waxa ay jeclaadeen macalinkaas iyo casharada uu bixiyo..

Hadaba aqriste: Imisa digaagadood ayaad dhalo dhex gelisay, isla markaana aad aamintay in aadan ka saari karin, adigoo ka rajo dhigay in aad arimo badan oo noloshaada ah guul ka gaarto…?

Ogoow wax walbaa qadar alle ka sokoow in ay ku xiran yihiin hamigaada iyo fikirkaadu halkuu gaarsiisan yahay…