Xurmo Community Radio
DHAGEESO:Nabadoon Somaaliyeed Oo Baaq U Diray Maamulka Putland.
DHAGEESO:Nabadoon Somaaliyeed Oo Baaq U Diray Maamulka Putland. Iyadoo kal hore maamulka Puntland ay ku dhawaaqeen in ay xireen xuduudka ay la wadaagaan Koonfurta Soomaaliya ayaa arintaas waxaa siyaabo kala duwan uga dhiidhyey qeybaha kala ee bulshada Soomaaliyeed.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ah Afhayeenka odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay tahay wax lagu xumaado in Soomaaliya dhexdeeda xuduudaha la kala xirto.

Nabadoon Xaad ayaa ugu baaqay maamulka Puntland in ay si deg deg ah u furaan xuduudka madaam uu sheegay in Gawaari badan oo laga leeyahay koonfurta ay ku xayiran yihiin deegaanada maamulka Puntland.

Waxa uu sheegay in ganacsigu uu xoryahay siduu hadalka u dhigay, islamarkaana Puntland looga baahan yahay in ay ka laabato go’aankii ay qaadatay.

Dhawaan maamulka Soomaaliyeed Puntland ayaa ku dhawaaqay in ay xireen dhammaan xuduudaha ay la wadaagaan Koonfurta iyo Waqooyiga Soomaaliyeed Sababo la xariira dhanka Amniga.