Xurmo Community Radio
Xujeyda Oo Maanta Taagan Banka Carafo.
Xujeyda Oo Maanta Taagan Banka Carafo. Dad ku dhaw 1.5 Milyan oo qof ayaa maanta oo Axad ah taagan Banka Carafo ee magaalada Barakaysan Makka,iyado ku Nagaanshaha Banaanka Carrafo ay ka mid ah arkaanta Xajka kuwa ugu muhimsan, kadib markii ay soo guteen Maalinta Tarwiyah ee Mina, sida u sameeyey Nebigeeni Suubanaa N.N.K.H.

Istaagida banka Carrafo kadib marka qoraxdu dhacdo ayaa Xujeydo ka dhaqaaqayaan halkaas waxay sii marayaan Mina iyagoo uu tuuranaya Dhagaxa (Jamaaraadka) , kadib waxay xoogaa ku negaan doonaan Muzdalifah, iyagoo maalinka berrita ahi ay gawracaya Udxiyadoodi

Ilaa hadda gudashada waajibaadka Xajka oo bilowdey maalintii Jimacada ayaan wax dhibaato ah ka dhicin.

Amniga Xujeyda ayaa si weyn loo adkeeyey, iyada oo maalmaha ugu dhibka badan ay tahay gudahasha Jamaraadka oo ah maalmha ka danbeeya ciida udxiyada.

Sanadkii hore 2015 ayaa Xajka waxaa ka dhacay dhibaato aad u weyn, waxaana la aaminsan yahaydad ka badan 2000oo qof in ay ku geeriyoodeen kadib markii la isjiirey, inkasta oo Sucuudigu ay shaaciyeen tirada dhimashadu in aysan ka badneyn 800 qof.