Xurmo Community Radio
Ciidanka Dowlada oo Dib ula Wareegay Dagmada ceel waaq.
Ciidanka Dowlada oo Dib ula Wareegay Dagmada ceel waaq. Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegaya in Al-Shabaab ay baneeyeen gabi ahaan degmada Ceel-Waaq oo sacadihii la soo dhafay kala wareegeen ciidanka dowladda Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa muddo saacaddo ah ku sugnaa degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo.

Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa midowga africa ee AMISOM ayaa gudaha u galay degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo sida ay soo wariyeen dadka deegaanka.

Al-Shabaab ayaa xalay Saqdii dhexe faarujiyay degmada Ceel-Waaq oo ay kala wareegeen ciidanka dowladda Soomaaliya muddo kooban.

Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in lagu dilay dagaalkii Ceel-Waaq Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya sidoo kale 4 askari, waxaana jira dhaawacyo soo gaaray ciidanka dowladda Soomaaliya.

Waxaana magaalada Ka socda kulamo ay leeyihiin saraakiisha Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale gudoomiyahaya degmada Ceel Waaq.