Xurmo Community Radio
Jilaa caan ah ee Itoobiya oo magangalyo waydiisanaya Maraykanka
Znah-Bzu Tsegaye oo ah Jilaa reer Itoobiya ayaa sheegay inuu waydiisanayo magangalyo siyaasadeed dalka Maraykanka, sababtoo ah waxa uu ku tilmaamay tacadiyada ay gaysanayaan ciidamada ammaanka ee Itoobiya.
Znah-Bzu Tsegaye, oo jilay filimaan Itoobiyaan oo caan ah ayaa ka mid ah dadka amxaarada ah.
Amxaarada iyo Oromada oo ah dadka ugu badan Itoobiya, ayaa samaynayay mudaaharaadyo looga soo horjeedo dowladda bilooyin. Dad badan ayaa dhintay.

Mr Znah- Bzu, ayaa ah qofkii ugu danbeeyay ee caan ah ee magangalyo waydiista.
Waqtigii ciyaaraha Rio Olympics, Orodyahan reer Oromo ah ayaa go'aan ku gaaray inuusan ku noqon waddanka, kadib markii uu sameeyay astaan muujinaysa inuu ka soo horjeedo dowladda.

XIGASHO BBC