Xurmo Community Radio
Garowe Oo Maanta La Filaayo In Ay ka Dhacdo Wareega Labaad Ee Doorashada Aqalka Hoose.
Garowe Oo Maanta La Filaayo In Ay ka Dhacdo Wareega Labaad Ee Doorashada Aqalka Hoose. Waxaa maanta magaalada Garowe ee caasumadda maamul goboleedka Puntland ka dhici doonta doorashada 12 kursi oo kamid noqonaya aqalka hoose ee Puntland, kuwaa oo ay dooranayaan ergooyin laga soo aruurshay beelaha dega Puntland.

Ergooyinka saaaka wax dooranaysa ayaa shalay loo qabtay tababar kusaabsan qaabkay wax udooran lahaayeen , tilmaamahay raacayaan iyo shuruudaha doorashada , kursi kasta waxaa dooranaysa 51 qof oo kamid ah ergada beesha iska leh Xildhibaanka.

Horay waxaa loo dooray 12 xubnood , waxaana Puntland aqalka hoose laga siiyey 37 Xildhibaan guud ahaana waxay noqonayaan xubnaha ay ku yeelanaysa Baarlamaanka la dhisayo 48 mudane marka laysku daro 37 aqlka hoose iyo 11 aqalka sare.