Xurmo Community Radio
DAAWO SAWIRADA:Madaxda Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Oo Shahaado Sharaf Gudoonsiiyay Madaxweynaha Dalka.
Madaxda Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Oo Shahaado Sharaf Gudoonsiiyay Madaxweynaha Dalka. Xasan Sh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya,ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliyeed Gen Liibaan Cali Yaroow.

Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud ayaa ugu horrey warbixin ka dhageystay Madaxda Maxkamadda Ciidamada, iyagoo ka warbixiyay howlaha adag ee ay makamadda ciidamadu u heyso qaranka Soomaaliyeed.Madaxweynaha ayaa Labada Masu’uul ku ammaanay shaqada adag ee ay qabteen mudadii afarta sano ahyd .

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Gen Liibaan Cali Yaroow ayaa sheegay in xukunadii kala duwanaa ee ay Maxkamadda Ciidamada ridday ama fulisay aanu wax faragalin ah uga imaan xafiiska Madaxweynaha taasi ay ku amaanayaan madaxweynaha .

Ugu dambeyn Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute iyo Gen Liibaan Cali Yaroow waxa ay Shahaado Sharaf Guddoonsiiyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud.