Xurmo Community Radio
13 qof oo mukhlasiin ah oo lagu qabtay taliyaniga.
13 qof oo mukhlasiin ah oo lagu qabtay taliyaniga. Ciidamada Booliska dalka  Jarmalka iyo kuwa ku sugan Koonfurta Talyaaniga ayaa waxa ay xabsiga utaxaabeen 13 Mukhalas oo ay ku jiraan Soomaali, ku waa oo ku eedeeyay in Tahriibayaasha ay u sii gudbin jireen dalalka kale ee Europe iyo Dalalka Europ u fududeyaan muhaajiriinta.
EURO-JUST oo ah Hay’adda Iskaashiga Garsoorka Europe ayaa waxa ay soo saartay warbixn iyadoona ku sheegtay in baaritaanka ay bilaabeen sanadkii hore kadib markii 545 Tahriibayaal Soomaali ah laga soo badbaadiyey Badda.

Hay’adda EURO-JUST ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay in baaritaano dheeraad ah iyo dabagal buuxa ay ku sameeyeen Telefoonadda Mukhalasiinta, kuwaasi oo Tahriibayaasha u fududeyn jirey in ay Talyaaniga uga sii gudbaan dalalka kale.

Booliska Jarmalka iyo kuwa ku sugan Koonfurta Talyaaniga Howlgalka ay ku soo qab qabteen Mukhalasiintan ayaa waxaa ku jira Maodi C/salaam Khaliif oo heysta Dhalashada Jarmalka balse asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya.

Waxa ay sheegeen ninkan in uu ka shaqeynayay shabakad dadka Tahriibisa, waxaana uu sameyn jiray warqado been abuur ah oo uu dadka ugu sheegayay in ay ku galayaan wadamada Germany, France ama Dalalka Scandinavian-ka.

Ugu dambeyntii Booliska Talyaaniga ayaa waxa ay sheegeen in ay Howlgallo kale ka wadaan Florence, Brescia, Bergamo iyo Catania, halkaas oo la sheegay in ay ku dhuumaaleysnayaan shabakado kale oo Tahriibayaasha u sii gudbiya dalalka kale ee Europe.


W/Q:Abdukadir Mohamed Abdulaahi(Qoslaaye)