Xurmo Community Radio
Gudoomiyaha Hay’ada Inxa oo ka mid noqotay Xilibanada Aqalka Hoose ee Barlamanka Somaliya.
Sahra Cumar Maalin gudoomiyaha Hey’adda Isku xirka Nabada iyo Xaquuqda Aadanaha ee INXA ayaa ka mid noqotay Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Shaqeyn doona 2016 illaa 2020 ka dib markii ay la tartantay Nimco Xasan Cabdulle , doorashada oo ka dhacday Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG u ah Maamulka Galmudug waxaaa ugu danbeyntii ku soo baxday Sahra Cumar Maalin oo heshay 46 halka gabadhii la loolameysay ay heshay 1 illaa iyo saddex cod ayaa halowday ,tirade guud ee ergadii codeysay waxa ay ahaayeen 50 ergo codbixin.

Waxa ayna sidaasi Sahro Cumar Maalin ku noqotay Xildhibaan ka tirsan Aqalka hoose ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, inta la xasuusto Sahro Cumar waxa ay ka soo shaqeysay arrimaha bini’aadanimada iyo nabada waxa ay sidoo kale wax ka soo qortay dastuurka Qabyada ah ee aanan wali aftidada dadweyne la galin iyada oo ka mid aheyd gudigii madaxa banaanaa ee Dastuurka sanadkii 2012 intii aanan la dhisin dowladda waqtiga uu ka dhamaaday ,sidoo kale intii ay shaqeyneysay dowladii dhexe ee Madaxaweyne Maxamed Siyaad Bare waxa ay aheyd Agaasimihii Shirkadii Cagaf Cagafka, Waxa ay soo Noqotay Madaxa Siyaasada Ururka SWAA sidoo kale Waa gudoomiyaha Idaacada Bulshada ee Xurmo.

Waa Haweeney Da’aada 60 Sano ku jirto dalka kama aysan bixin intii burburka lagu jiray oo dalka ayay ku waxbaratay kana shaqeyn jirtay intii colaada lagu jiray, raadinta xilka ay heshay ma aheyn mid si fudud ku yimid oo waxa ay u gashay dadaal dheer maadaama ay beesheedu kolkii hore diidanaayeen dumar haddana markii danbo oo ay dadaashay waa ay aqbaleen,

Dhanka Kale waxa ay hambalyo iyo bogaadin ka gudoontay guud ahaan bulshada soomaaliyeed ee hambalyada u diray waxa ayna sheegtay in ay ula shaqeyn doonto si ka wanaagsan sida ay hadda ula shaqeyso.