Tababare Roberto Mancini Oo Shaqo Ka Raadinaya Magaalada London ee Dalka Ingiriiska

  Tuesday June 11, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
 Wargeysyada Kasoo Baxa Dalka Ingiriiska ayaa qoraya in tababarahii hore ee Man City Roberto Mancini uu doonayo ...... Wargeysyada Dalka Ingiriiska ayaa qoraya in tababarahii hore ee Man City Roberto Mancini uu doonayo in uu baaqi ku sii ahaado horyaalka Ingiriiska .

Wargeyska Daily Mirror ayaa qoraya in Mancini uu guri ka iibsaday magaalada London taasi oo muujineysa in uu doonayo in koox ka dhisan magaaladaas uu layliyo .

Sidaas oo ay tahay ma jirto koox ka dhisan London oo xilligaan raadineysa tababare , waxaana arintaan loo badin karaa hadii xilka laga qaado tababaraha QPR oo dhawaan ay isku dhaceen mulkiilaha kooxda sababo la xariira fara gilin ku aadan arimaha kooxda.

Haddii Roberto Mancini uu ku fashilmo in shaqo uu ka helo Ingiriiska waxa uu ku qasbanaanayaa in uu ku laabto Talyaaniga ama uu u safro france halkaas oo ay ka doonayaan kooxaha Napoli iyo Monaco .

Mancini oo bishii hore laga buriyay shaqada Man City ayaa sheegay in uu doonayo in Ingiriiska uu ka sii shaqeeyo inkastoo uusan koox carbaabin .

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

featured