Jose Mourinho : John Terry Ayaa Sii Ahaanaya Weli Kabtanka Chelsea

  Tuesday June 11, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
 jose_mourinho Tababaraha kooxda Chelsea Jose, ayaa sheegay in John Terry uu sii haynayo kabtinimada kooxda Chelsea......jose_mourinho Tababaraha kooxda Chelsea Jose, ayaa sheegay in John Terry uu sii haynayo kabtinimada kooxda Chelsea , iyadoo arintaan ay soo baxeyso xilli dhawanahaan la tilmaamayay in kooxda Monaco ay xiiseyneyso laacibka .

Laacibkaasi 32-sano jirka ah ayaa Chelsea kula guuleystay laba jeer oo horyaalka Ingiriiska ah xilligii Jose Mourinho , waxaana warar dhawaan soo baxay sheegayeen in laga diiday dalab uu ku doonayay in hishiis sedex sano ah lagu siiyo .

Jose Mourinho ayaa BBC-da ka yiri ” John Terry waa kabtanka kooxda , in badan ayaan ku faraxsanahay , sidoo kale taageerayaasha waa ku faraxsan yihiin”.

Sidaas oo ay tahay Jose Mourinho hadalkiisa kuma muujin in Terry uu helayo boos joogto ah iyadoo kaliya uu tilmaamay arinta kabtanimada.

Dhanka kale Jose Mourinho oo mar labaad tababarka kooxda Chelsea ku soo laabtay ayaa wadahadalo la yeelanaya dhawaan weeraryaahnka kooxda ee Fernando Torres si mustaqbalka laacibka uga wada hadlaan .

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

featured