Kooxaha Liverpool Iyo Barcelona Oo Ka Arinsanaya Arinta Daniel Agger.

  Thursday June 13, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
  Kooxda Barcelona ayaa wadahadalo rasmi ah la furtay dhiggooda Liverpool si ay....Liverpool-s-Daniel-Agger_

Kooxda Barcelona ayaa wadahadalo rasmi ah la furtay dhiggooda Liverpool si ay ugu qanciyaan in daafaca kooxdaas ee Daniel Agger looga iibiyo aduun gaaraya 12.7 milyan oo gini si xagaagaan u helaan .

Barcelona ayaa lagu waramayaa in xagaagii hore ay hishiis rasmi ah la gaareen laacibkaasi Daniel Agger balse tababaraha Barcelona Vilonava ayaa joojiyay sababo illaa haatan aan la garan.

Laacibkaan 28-sano jirka ah ayaa raadinaya fursad uu uga ciyaararo tartanka kooxaha yurub ee Champions League xilli ciyaareedka dambe ka dib markii Liverpool ku fashilmeen sanadkii 3-aad in ay soo aadaan iyadoo xilli ciyaareedkii soo xirmay bishii hore ay galeen kaalinta 7-aad ee kala horeynta kooxaha Ingiriiska .

Arinta ku aadan qarashka lagu iibinayo laacibkaasi ayaan Barcelona ka hor istaagi doonin in hishiiska laacibkaas uu dhameystirmo ka dib markii dhawaan weeraryahankii Santos ee Neymar ku soo iibiyaan aduun gaaraya 50-milyan .

Liverpool ayaa dhankooda bishii hore hishiis xor ah ku soo heshay Kolo Toure ka dib markii hishiiskiisa Man City uu u dhamaaday mana u baahnaan doonaan Daniel Agger kaasi oo uu hishiiskiisa ka harsan yahay 3-sano .

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

featured