Daawo Sawirada Hooyadan Naxariista daran sida Wiilkeeda u gashay kadib markii uu qaniinay xili ay Naas nuujineysay

  Monday July 15, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Hooyo u dhalatay Dalka China ayaa ku kacday fal aad looga naxay kadib markii Wiil yar ay dhashay oo 8-Bilo jir ah ay madaxa iyo qeybo kamid ah Jirkiisa maqas si ba’an uga muday.

Hooyada Falkan naxariis darada ah kula kacday Wiilkeeda yar ayaa la sheegay in ay ka carootay qaniinyo uu u geestay wiilkeeda xili ay naaska nuujineysay taa oo keentay in ay maqas agteeda yaalay soo qaadato si naxariis dara ahna ay wiilkeeda qeybaha kore ee jirka uga mud muday.

Wiilka yar oo dhaawacyo kala duwan soo gaareen ayaa la geeyay isbitaal kuyaala Deegaanka ay qoyskaan kunoolaayeen waxaana dad badan oo arintan maqlay aad ula yaabeen sida hooyadan naxriista daran ay cunugeeda yar u ciqaabtay.

Hooyada falkan ku kacday ayaa ka hadashay waxa ay sameesay waxa ayna xustay in ay aad uga xuntahay waxa dhacay ayna kas ka aheyn ficilkan ay ku kacday iyo in ay sidaasi yeesho wiilkeeda , waxaana la tilmaamay in hadalkan hooyada ula jeedo si aan looga qaadan caruur kale ay heesato maadama

ay ku kacday fal aad u fool xun.



NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

featured