Haweeney oo ku xirtay nin damcay inuu guursado sharuud la yaab leh oo aan horey loo arkin

  Monday July 29, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Haweeney u dhalatay dalka Sacuudi Carabiya ayaa waxaa la sheegay inay ku xirtay nin damcay inuu guursado sharuud la yaab leh oo aan horey loo arkin islamarkaana aysan sameeyeen qaar badan oo ka mid ah haweenka aduunka ku nool. Haweenyeedaan oo ahayd macalimad wax ka dhigta iskool ku yaala dalkaas Sacuudiga ayaa waxaa la sheegay inay ku xirtay nin damacsanaa inuu guursado arin la yaab leh oo ayna rag badan jeclaan lahaayeen laakiinse aysan haweenka badankood ka suuroobin arintaas oo ah hadii uu rabo inuu guursado inuu sidoo kale mar la wada guursado 2 haween oo kale oo saaxiibadeed ahaa arintaas oo ninkaas ku noqotey yaab, Laakiin la tashiyo badan iyo dadaal dheer ka dib ayaa waxaa lagu guuleystay in ninkaas uu aqbalo sharuudaas taas oo keentay inuu mar qura la wada aqal galo sadaxdaas haween asagoona sadax guri ka kireystay dhismo ku yaala halkaas islamarkaasna sadexdiisa xaas wada dajiyey goobtaas.

U
gu dambeyntiina iyadoo arinta ay ku kacday haweeneydaas reer Sacuudi ay tahay mid aysan sameyn karin qaar badan oo ka mid ah dumarka Soomaaliyeed ayaa arintaas waxay muujinaysaa jaceylka ay u qabto haweeneydaas reer Sacuudi gabdhahaas saaxiibadeed ah maadaama ay la xumaatey inay kaligeed aql gasho xili ay wali saaxiibadeed yihiin kuwo aan la qabin ooaan wax reer ah lahayn.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

featured