Tuugii ugu caqliga xumaa abid oo damcay in uu wax xado: Aqri waxa ku dhacay

  Saturday August 10, 2013 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Tuug la sheegay inuu u dhashay dalka Spain kana soo jeeda magaalada Barcelona ayaa sheekadiisa waxaa si weyn u hadal haya saxaafada caalamka, ayadoo tuugaan lagu tilmaamay midkii ugu caqliga xumaa taariikhda tuuganimada.

Ninkaan oo la sheegay inuu ku cusbaa howlaha wax xadista, ayaa waxa uu meel dariiq ah ka helay boorsada jeebka ee lacagta iyo kaararka aqoonsiga lagu xareysto.

Waxa uu ka dhex helay lacag 350 Euro ah, sidoo kale waxa uu boorsada ka dhex helay kaarka Bank-yada ee lacagta lagu xanaaneysto.

Ninkii ayaa ku qancin lacagta uu meesha ka helay, balse waxaa damac ka galay in kaarka lacagta uu isticmaalo si uu lacag ugala baxo, waxa uuna boorsada ka dhex helay telefoon Number-ka qofkii boorsadu ka luntay.

Tuugii ayaa wacay Numberkii waxaana ka qabtay ninkii boorsada lahaa, tuugii ayaa iska dhigay in uu yahay nin bank-ga u shaqeeya, waxa uuna ninkii boorsada lahaa weydiiyay Number-ka sirta ah ee Bank-giisa, isagoo ku andacoonaya in dib u habeyn lagu sameynayo kaarka.

Ninkii boorsada lahaa ayaa si fudud ku bixiyay Numberkii sirta ahaa, tuugii ayaana guda galay inuu lacagtii la baxo, nasiib darro kaarkii ayaa u shaqeyn waayay tuugii sababtoo ah ninka boorsada leh ayaa marhore Bank-ga wacay si loo xiro kaarka, sidaas ayaana lagu xiray.

Tuugii ayaa markale taleefoonka kusoo celiyay ninkii, waxa uuna u sheegay in Numberka sirta ah uusan shaqeyneynin uuna u baahan yahay number shaqeynaya.

Nasiib wanaag ninkii boorsada lahaa ayaa markaan shakiyay waxaana uu si hoose u wacay Police-ka isagoo u gudbiyay arintu sidey u dhacday, ugu danbeyna Police-kii ayaa ogaaday meesha uu ku sugan yahay tuugo, waana ay soo qabteen..

Damaciisa badan iyo doqon nimadiisa ayaana xabsi gelisay tuugaas…

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

featured