DHAGEYSO: Barnaamij Gaar ah oo ku saabsan sida xaqooda Siyaasda ay ku heli karaan Dadka la sheego in laga tiro badanyahay.

  Saturday September 03, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
DHAGEYSO: Barnaamij Gaar ah oo ku saabsan sida xaqooda Siyaasda ay ku heli karaan Dadka la sheego in laga tiro badanyahay. Marka laga hadlayo dalkeena Somaaliya waxaa jira Qabaailo la sheego in Laga tiro badanyahay balse majirto tiro koob rasmi ah oo lagu sameeyay Qabaailada la leeyahay waa laga tiro badan taasi oo meel looga dhacay sharafta iyo karaamada ay leeyihiin beelahaasi marka laga hadlayo dhanka siyaasada caqabado badan aye kala kulmaan beelaha la heyb sooco iyaga oo la duudsiiyo xuquuqdii ay ku lahaayeen siyaasada dalka.

Dabayaaqada sanadkan waxaa la filaya in dalka ay dhacda Doorasho madaxtinimo ,Hadaba Idaacad Arimaha Bulshada Ee Xurmo iyo Dalada xuquuqda Aadanaha iyo UNSOM ayaa Iska kaa shaday Barnaamij Gaar ah oo looga Hadlayo Sida Xaqooda Siyaasadeed ay ku helikaraan Dadka laga sheego in laga tirade badanyahay.

Barnaamijkan oo ay ka qeybgalayaan Dad matalaya qeybaha kala duwan ee Bulshada waxaa soo Jeedinaya Wariye C/Fitaax Macalin Nuur Qeys Dhageysi wacan.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

featured