Dad Badan Oo Ku Dhintay Duqeyn Ka Dhacde Goob Suuq Ah.

  Sunday September 11, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Dad Badan Oo Ku Dhintay Duqeyn Ka Dhacde Goob Suuq Ah. Waxaa kor u sii kacaya tirada dadkii ku geeriyoodey duqeymihii ka dhacay magaalooyinka Xalab iyo Idlib Magaalada ay mucaaradka maamulaan ee Idbilb galbeedka dalkaasi Siiriya ayaa waxaa ku geeriyoodey 58 qof, kadib markii ay duqeeyeen diyaaradaha Ruushka sida ay sheegeen Mucaaradku, waxaana duqeynta lala beegsadey goob suuq ah.

Sidoo kale duqeynta ayaa waxa ay ka dhacdey magaalada Xalab barigeeda waxaana diyaaraduhu ku dileen ugu yaraan 42 qof.

Weerarkan cusub ee dhacay xabbad joojinta kadib iyadoo dadka ku dhaqan magaalada Idlib isu diyaarinayeen maalinta Ciidda ee ku beegan Isniinta waxaana Suuqa ka buuxey dad aad u badan oo adeganaayey.

Duqeyntan ayaa imaanaysa kadib markii Maraykanka iyo Ruushku ay ku heshiiyeen xabbad-joojin ka dhacda Siiriya oo dhaqan galaya Isniinta qoraxdu markey dhacdo.

Dagaalada ragaadiyey dalka Siiriya ayaa galay sanadkii todobaad, waxaana fraha kula jira dalal aad u badan oo kala taageeraya dhinacyada isku haya talada Siiriya.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

featured