Booliska Kenya Oo Toogte 2 Haween Oo Xijaaban.

  Sunday September 11, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Booliska Kenya Oo Toogte 2  Haween Oo Xijaaban. Wararka aynu ka heleynu dalka Kenya ayaa kusoo waramaya in weerar lagu qaaday Saldhig Ciidanka dowladda Kenya ay ku leeyihiin magaalo xeebeedka Mombaza ee dalka Kenya.

kooxo hubeysan ayaa waxaa lagu soo waramaya ina ay weerarka qaadeen , waxaana ciidanka ammaanka ay sheegeen in ay toogteen 2 qof oo dumar , kuwaa soo la sheegay in ay xirnaayeen Xijaabo.

Sarkaal ka tirsan ciidanka ilaalada Saldhiga weerarka lagu qaaday ayaa u sheegay warbaahinta in ay ka shakiyeen haweenka la toogtay , waxuuna sheegay in dad ay ku dhaawacmeen weerarka ka dhacay saldhiga ku yaalla magaalada Mombaza ee dalka Kenya.

Ciidanka dowladda kenya ayaa weerarkaasi waxa ay ku tilmaameen mid argagixiso .

Taliyaha Ciidanka dowladda Kenya degmada MombazaPeterson Maelo ayaa sheegay in weerarka ay soo qaadeen Haween ciidanka ammaanka ay ku dileen Saldhig Iridkiisa hore.

Labo Sarkaal oo ka tirsan Ciidanka dowladda Kenya ayaa waxaa soo gaaray dhaawac halis ah sida uu sheegay taliyaha ciidanka Mombaza.

Waxa uu sheegay in ammaanka magaalada Si weyn loo adkeeyay ,islamarkaana ay ka hortagayaan weeraro ka dhaca magaalada Mombaza ee dalka Kenya.

Majirto cid si rasmi u sheegatay masuuliyada weerar kaani lagu qaaday saldhiga ay ku sugan yihiin booliska kenya.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

featured