Hogaamiye ka Tirsan kooxda Dacish Oo Ladilay.

  Saturday September 17, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
 Hogaamiye ka Tirsan kooxda Dacish Oo Ladilay. War ka soo baxay Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa lagu sheegay in duqeyn cirka ah lagu dilay mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha sare ee Kooxda IS.

Hoggaamiyahan oo lagu magacaabi jirayWa’il Adil Hasan Salman al-Fayad ayaa lagu dilay 7-dii bishan meel ku dhow magaalada Raqqa ee dalka Suuriya.

Ninkaas ayaa la sheegay inuu ahaa wasiirka warfaafinta ee kooxda IS, oo uu muraaqabayn jiray soo saarista fiidiyowyada borobagaandada ah ee muujinaya jirdilka iyo dilalka.

Mareykanka ayaa sheegay in dilalkan loo geystay hoggaamiyeyaasha sare ee IS ay sii wiiqi doonto howl galada ay kooxdan ka wadaan Ciraaq iyo Suuriya.

Horraantii todobaadkan ayuu Pentagon-ka sheegay in ninkii dhinaca borobagaandada ugu sarreeyey dawladda islaamiga, Abu Maxamed Al-Cadnaani, lagu dilay weerar xagga cirka ah oo ka dhacay bishii hore waqooyiga Suuriya.

Ninkaanla dilay ayaa la sheegay inuu xiriir dhow la lahaa Abuu Mohamed Al-Adnani oo bishii la soo dhaafay isna lagu dilay duqeyn cirka ah.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

featured