(Daawo Sawirda). Qunsulka Soomaaliya u Fadhiya Australia oo Xalay Casho Sharaf u sameyay qaar ka mid ah Siyaasiyinta ugu Caansan Dalka Somaliya.

  Monday September 26, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
(Daawo Sawirda). Qunsulka  Soomaaliya u Fadhiya Australia oo Xalay Casho Sharaf u sameyay qaar ka mid ah Siyaasiyinta ugu Caansan Dalka Somaliya. Qunsulka Guud ee Dawlada Fedraalka Soomaaliya u Fadhiya Australia & New Zealand Ambassador Yonis Yasin Hashi ayaa habeenamidii xalay casha sharaf ugu sameeyay magaalada Melbourne siyaasiyiin ay horkacayeen Raiisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Abdiweli Sheikh Ahmed iyo siyaasiga Abdirahmana Badiyow.

Xafladdan casha sharafta ah oo lagu qabtay Rydge's Hotel Bell St ee ku yaala magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa sidoo kale waxaa lagu casuumay oo ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee jaaliyadda Soomaalida ee ku nool waddanka Australia.

Hadallo kooban oo ku aaddanaa soo dhaweyn ayuu halkaasi ka jeediyay mudane Ambassador Yonis Yasin Hashi Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya Australia iyo New Zealand isagoona sheegay in jaaliyadda kunool labadan waddan ay yihiin kuwa isku xiran had iyo goorna ka shaqeeya midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.

Dhanka kale mudane Abdiweli Sheikh Ahmed iyo Abdirahman Badiyow ayaa dhinacooda sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin soo dhaweyntii uu u sameeyay qunsulka iyo sidii diiraneyd ee loogu soo dhaweeyay Melbourne waxayna sheegeen in muddada ay joogaan halkaasi ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan qeybaha bulshada ee jaaliyadda Soomaalida ee halkaasi ku nool. Kulankaasi casha sarafta ah ayaa kusoo dhamaaday jawi wanaagsan







NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

featured