Dib u dhac ku yimid Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.

  Wednesday November 23, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Dib u dhac ku yimid Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Waxaa markale dib u dhac  uu ku yimid xilligii loo asteeyay inay dhacdo Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale ku xigeenadiisa , islamarkana wali qabyo ah xubnaha aqlak hoose.
Maanta oo taariiqdu ay ku beegan tahay 23-11-2016,ayay aheyd maalinkii lagu balamay in ay dhacdo doorashada gudoomiyaha Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Sida uu qorshuhu ahaa Guddiga Doorashada Dadbana ay shaaciyeen waxaan lagu waday in Maanta oo Arbaco ah ay ka dhaco doorashada Gudoonka Baarlamaanka halka 30-ka Bishaan la qabanaayo Doorashada Madaxweynaha.

Waxaa muuqata in markale uu dib u dhac uu ku yimid doorashada Madaxda dowladda Soomaaliya , maadaam aan wali la soo dhameystirin xubnaha Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale Aqalka Sare intaba.






W/Q:Wariye C/qaadir maxamed C/laahi{qoslaaye}

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

featured